Naqshadda Diraceyga
Diracu waa maryaha dumarka soomaaliyeed, maradey xiddhaan kan ugu QURUXda badan.
Gabadh kastoo soomaaliyed waa waxey ku faani kartoo o dhaqankeeda ka turjumaya.
Waxaan rabaa inad qoraalkaan ila wadaagtaan, maadaama anoo 12 jir aha an go' an ku gaadhay inaan noqdo dhar tolaaa, sameeyaana naqshadaynta dharka. Markas waan ogaa waxaan rabo inaan mustaqbalka noqdo. Balse qadarta Alle iyo noloshu meel kale ayey ii hogaamisey. Waalidkey wexey ila jeclaayeen inaan barto caafimaadka barto. Waana bartay maadaama an ahaa inan baari ah.
Markasta an hoyaday suuqa isku raacno o dhar la ii soo iibinayey. Dhibaato ayaan na kala haysatay, sababtoo ah ma aanan heli jirin dhar naqshadiisu i qanciso ina astura. (Dhibaatooyinka qurbaha, wiliba wadamada qabow e muslimiintuna ku badneyn :/)
Waxaey hooyo i dhihi jirnay markaan suuqa ka soo laabanno annagoo daallan, waxan u baxnayna soo helin, "Adigu sameyso dharka ku qanciya"
Balse markan reer yeeshay shaqadiina uga hadhay ubadkii Alle igu maneystay, waxaan go'aansaday inaan sameeyo wixii an jeclaan jiray; naqsahdaynta dharka, Fashion desing, o riyadeydu i rumowdo.
Kommentit
Lähetä kommentti